Fikrado Ganacsi oo aad somalia ka bilaaban karto

fikrado ganacsi

Fikrado Ganacsi oo aad somalia ka bilaaban karto

soomaaliya waxay ku jirtaa soo kabsasho dhan walba leh, hadaba dadka maalgashada waqtigaan ay bilowga tahay waa waqtiga ugu faa’iidada badan hadii aad maalgashato ama ganacsi ka furato, hadaba waxaan soo uruuriyay oo cilmibaaris kusoo sameeyay ganacsiyada ugu faa’iidada badan ee baahidoodana ay aad u badan tahay oo aan badanaa wali la daboolin, hadaba hadii aad raadinaysid fikrad ganacsi oo cusub kana shaqaynaysa somalia liiskaan akhri.

1. Wax yaabaha maqaarka laga sameeyo

sidaan wada ognahayba soomaaliya waxay hodan ku tahay xoolaha la dhaqdo ee la cuno xoolahaas markii la qalaayo waxaa laga siibaa maqaarka, maqaarkaas waxaa laga sameeyaa wax yaabaha raaxada ah iyo kuwa lagu xaragoodo, wax yaabahaas waxaa kamid ah.

  • kabaha
  • boorsooyinka
  • qolofka moobilada
  • suumanka
  • saacadaha
  • boorsada kaamirada la gashado

iyo waxyaabo kaloo farabadan oo dadku si joogta ah ay u isticmaalaan maalin kasta.hadaba anaga waqtigaan la joogo ganacsiyo sameeyo wax yaabahaas dalkeena aad ayay ugu yaryihiin.
maqaarkana sidiisa ayaan ku dhoofina, waxaa naloo soo celiyaa ayagoo waxyaabahaas aan kor kusoo xusnay laga soo sameeyay, hadaba wadamadaas aan u dhoofino anaga ayaa qiimo ka raqiisan ku sameeyn karno alaabadaas waxaana tusaale fiican noogu filan dalka aan dariska nahay ee itoobiya oo warshadihii china ugu waa waynaa ee kabaha farsamayn jiray ay xarumo waa weyn ay ka furteen.
madaama afrika ay ka shaqaale raqiisan tahay china, suuqa waxyaabaha maqaarka laga sameeyana waa suuq aad u wayn baaxadiisuna dhantahay USD 414.0 billion sanadkii 2017 aduunka oo dhan

2. dhoofinta malaayga siiba ‘frozen fish’

soomaaliya waxay leedahay xeebta labaad ee ugu dheer qaarada afrika waxaa sii dheer baahida loo qabo malaayga sanad walba aad ayay usii kordhaysaa oo dadku waxay kasoo guurayaan cunista hilibka guduudan oo caafimad ahaan aan wanaagsaneen arimahaas oo dhan waxay abuurayaan fursado ganacsi.

3. samaynta saliidaha kuwa wax lagu karsado iyo kuwa tinta

dalkeena badanaa way ka baxaan geedaha laga sameeyo saliidaha wax lagu karsado iyo kuwa tinta lagu daryeelo waxaana kamid ah

  • sunflower
  • qunbaha
  • saytuunka
  • sisinta

iyo kuwo kaloo badan waana wax lacag yar lagu bilaabi karo, yaabka jirana wuxuu yahay in saliidaha badankood lasoo dajiyo iyadoo saliido aad u tayo badan dalka lugu samayn karo si fudud.

4. offshore development center

wadamada horumaray waxaa sii badanaaya baahida ay u qabaan software injineero sameeya sheyada software-ka ah oo sanadkasta baahidooda ay sii kordhayso dunida oo dhan, marka si ay u daboolaan baahidooda waxay ka dalbadaan dunida inteeda kale. wadamada ka faa’iidaystay fursadahaas jira oo waliba ku caan baxay dhoofinta adeegyada softwarada ah waxaa kamid ah, india, ukraine, pakistan, iyo morocco.

Fikradaha Gudaha Dalka

5. Samaynta filimada afsomaliga

Dadka soomaalida meelkasta oo ay joogaan waa dad aad u xiiseeya daawashada filimada lagu tarjumo afka soomaaliga, iyo ruwaayadaha soomaaliga ah iyadoo aysan jirin filimo xirfadaysan oo lugu jilo afka soomaaliga, saasoo ay tahay waxaa muuqato baahi wayn oo loo qabo filimo xirfadaysan oo tayo badan waana fursad wali aan la buuxin

More Interesting Posts